TechnologyStatisticsSomalitechMGQMAPCimilladaQubaneSomalinewsaminartsReutersaamaguulaamNaamAminoaamJomaamGaamB2Baalx12Garo2
DistanceToursmRapidKLDictionarySomEngEngOppositeMallay2SalimGbyHourSarrifAllAboutBloger
GoDaddyBAAROHow ToHowJomlTV1TV2TV3TViAllTVUpdateJoomMailmailPCIPDomainsGebiWebClor123RGBcolor124
HOMECountryCodeJavascriptTutoRaceCar1RaceCarimgConverterFaviconSuugaan3Html+CCSExpredDomainAsk
AcronymOnlineConvertorOnlineVideoConvertorSoftwaresMySpeedIconshtmlJavaimgEditorImgConvertAllImgConvrPdfToDocAlltoPDF
.

Barre gure bahdaad leedihiyo beledka kiinnaahi

hadduu kuu barwaaqaysanyehee beri samaad joogto
oo ay bashaaqaan wuxuu baari' ku mannaystay
an waa lay baroonshaa cawiyo maalin buguxeeda
ee waxay balleeyee dadkey baabah uga yeelay
iga baro barrow saaxibkey buuran baad tahaye !

Soomaalidan basaasowday ee bacadka taaltaalla
hooyadood barreey baa inkaar bedena gaarsiisay
oo xiskaa bukoo waa bannaan baaxaddiyo xooggu
caqligooda baalleyni ee saacba baal degaya
wiski inay cabeen baad u qabi baalla dhabadkooda

baqariyo haddii aad qur'aan bara' u meereyso
ood khusuuc la boydood indhaha biyo ka sii deyso
sacab buu billaabaa or iyo bootin iyo jaane
mana ahan inuu baadi yahay diinta beeninaya
ee inaad baloolley tuntood bururtay buu mooday

Haddii belo timaadee bahdaa badan la soo duugo
eed murug la baaxaa degtee beerku ololaayo
batar buu billaabiyo haddana waalo bidixeede
mana ahan inuu baga yiree dooni beladaada
ee bahal jinniyo wuxu is yiri buufis baa galaye
ka bugey walaalkaa jinkiyo booranaha haaya!

Tusaalaha waxan ugu baxoon baasha ugu weecday
soomaalida markaad baadil iyo belo ka waanayso
inad ugu bogtood tiri badsoo budulso buu moodi
haddaad baadi goobtood caqliyo badanka aad raadin
baasha aad ka raadini ma jiro bari duleedkiise
dhanka kale ayuu xalay baryoo waagu ugu baahay

inkastoon in badan baal maroon maray dariiq beena
mar haddaan bartoon maanta aan helay bayaankooda
oo aan bahdey waani karo waan ku baxayaaye
bismillaahi eebbow i mari meesha ugu baanan!

Somalaay beryahan qayliyeen gabayo baandheeyey
eed waxan ballaaraayey iyo baaqi igu diiddey
cudur daar ayaan bixinayaa aad u bara weyne
ba'da aad fahmaysiyo haddaan bixin duruustiiye
dersibaan billaabiye walaal hoo bal iga guurso.

Markii aad qabiil baanisood rixinka boobeyso
ood aabbe bood-booytin ood beerka jari hooyo
abtigana bireyn ood adeer baalka gelineyso
oo aad habaar beegatoo barar ku soo haayo
inad boqorki loo bogay tahaad moodi berigaase
midkaan baaririnimo kuu qireyn buri midgaankaas bal.

Qodaxdiyo birjaafada midkii kaa badbaadinaya
oo beer kabaa kuu tolee cagaha kuu buuxshey
oo weliba kuu baalashee burush ku sii nuurshey
isna beerka feer uga dhifoo buri midgaankaana

Ninka timaha kuu boor tiree baabbacada saaray
oo qurunka ka soo baxshee buufshey oo jaraya
inad qurux baraartuu raboo kuu basaastiraye
isna badowga kuu beer naxaa buri midgaankaana.

midka kuu dabaashee baddaa baacyo hoos tegayey
ee intuu u babac dhigay libaax balaw ku soo haaday
ama uu yaxaas buubayana bootin ugu gooyey
ee wuxu bareeroo badweyn baacyo ku fogaaday

ee dahab bidhaamiya wuxuu luul ka soo bixiyey
qalab wada bidhaamaya markuu keeno baradaada

inkastuuse diib iyo filsami doollar kuu keeno
balse waa bahdii jaajidee buri midgaankaana!

Bir la soo tumee beer fashee beecna lagu doonto
ama neef biraysee baqtiga kaaga bari-yeesha
ama hilibka beerkiyo miskaha bawdo lagu gooyo
ama cadow ku soo baacsanaa beesha uga daafac

ama buuryadaba kaaga jari balafta laallaadda
ama badarka karineysa ood kuna bisleyneyso
ama lagaba buuxaayo oo luguna beegaayo
inta aan bidhaanshee ba'diyo baarka ka caddeeyey
iyo boqol kaloo baqiyeen gaarin baradooda
birta kii bugeeyee bacdiyo bawda uga saaray
oo dhididku baallaha dhigee buuxshey maradiisa
oo xoogga kugu beelay ee baahi badan awday
inad horumar baahduu rabee buri tumaalkaana.

Inantii bukhaariya tirmidi diinta soo baratay
oo lagu barbaarshoo aqoon buuni ku ahaatay
bushimahana bawsiga xantiyo beenta laga dhowray
bilicdana gabdhihi loo bandhigay buundo uga qaadday
on si buuxda eegmada ninkeed ugu bareereynin

iyo tii kufriga baababkii loog u bari gooyey
bahashaa candhada qaawisee boqonta muujeyda
oo madaxa baaldiga lahoo timaha buukeysan
baaquli in loo soo geshiyo burulko moodeyso

baqtigana khansiiirkiyo cunee biirka la qamiirshey
oo aabbaheed baar khamriya boolan ugu yaallo
hooyadedna ay beecsanee badanka qaarkiisa

baqashaas intaad baacsatood beesana ku raacdo
bilicleyda baayada ahee beesha kula joogta
odaygii boqlaad baa baqtiga baahi ku qadeeyey
adigoo u baarbaarayoo ugana bayraaya
iyo inay bekiin iyo u dhalan biritan ooddooda
oo ay bahdaadii tihiyo baashi gabadhiisa

kuma gaydo berrin lagu dhalkiyo gabar baraawaade
adoo beerjiin guursani middaa lacagta baandheysa
doqontaa wanaag biirsatee xumo ka bayraysa
balse baahan oon doollar hayn buri midgaantaana.

No comments: