Biyahoo harraad gubahayoo gal u arooraaya!Qorraxdoo ha lay gubo lahoo Garab ka taahaysa!
Gammaankii Fardood oo Dameer Ganac ka hooseeya!
Naagahoo Garnaqi iyo Raggoo Guudka xiranaaya!
Geeridoon wax dilin oo Ninkii go'a u ooyaysa!
Nin Gu' jira Garaadna an yarayn oo Garku caddaaday!
Cirkoo guuri Ciiddoo gilgilan Dhagaxyadoo goohi!
Gobya Yicib Galool iyo Maraay Geedo tiro dhaafay
een Samada guudkeeda jirin ciiddana an gaarin!
Nin Cibaado gaariyo Ninkii Gabay ahaw sheega?haddii kale anbaa garanayee soo gadaal celiya.
No comments:
Post a Comment