TechnologyStatisticsSomalitechMGQMAPCimilladaQubaneSomalinewsaminartsReutersaamaguulaamNaamAminoaamJomaamGaamB2Baalx12Garo2
DistanceToursmRapidKLDictionarySomEngEngOppositeMallay2SalimGbyHourSarrifAllAboutBloger
GoDaddyBAAROHow ToHowJomlTV1TV2TV3TViAllTVUpdateJoomMailmailPCIPDomainsGebiWebClor123RGBcolor124
HOMECountryCodeJavascriptTutoRaceCar1RaceCarimgConverterFaviconSuugaan3Html+CCSExpredDomainAsk
AcronymOnlineConvertorOnlineVideoConvertorSoftwaresMySpeedIconshtmlJavaimgEditorImgConvertAllImgConvrPdfToDocAlltoPDF

HOOYATAYE ALLOW HOOYADEY 08-12-2004

Keli hodon keligi hayste aan lugula haamboorin
hadduu horin u hiishiyo hadduu uunka wada haysto
midad hiiftay baan weligi helin wuxu u haaraaye
ma hargalo midaad hoojinood nolol ka haateehe
ma harqamo midaad haaban ood huub ka bixinayso!

Ma dulmidid hal khayrliyo midan diinta haramayne
qof kastana wuxuu halabsadaad hoorso oraneehe
welibana in heelaad tirtaa hore u dhaaftaaye.
………
……..
Anguna halkaas baan ihiyo hebel sidiisaaye
ibliis bay hayoon haatan aan la herjedaayaahe
inu igu hiluu doonayaa waxay halaajaaye
anna sida nin beer haad ka galay maro u haataaya
hoyhoyda qayliyo car baan ku hurgufaayaaye.

Haddeer baan afeef hiishan oon hoolka sii dhigane
allow waxan hilmaamiyo waxaan khalad u soo hoorsho
helay inad cafee labada ood hooli ood tiriye
halgankaanse shaydaanka baas kula haliilaayo
halgaaddaan ku rido een holeen dhagaxa hoobaayo
haleeshii wadnaha oo la xoor waan ku haybsadaye

Waa hudur ibliis cadow ahoo hooro weyna ahe
kama haysto hibo tiisa iyo halo kuwiisaaye
ma arkayo halkuu joogo iyo muuqa haraggiise
isna haragga kaygiyo bal daa heegadaa sare e
himmogolobka dhiigguu hurdaa kuna hoyaadaaye.

Waxan hooska kiisiyo arkaa hootadiyo soorka
yaan ugu hujuumaa halkaan ugu hagaagaaye
amaan hiil u doontaa halkaan uga helaayaaye
hortaydaa wax joogoon arkeyn ina huruufaaya
maaro looma haayoo allaa lugu halleeyaaye.

Yaa haaddi haad loo kacaba hiil adaa gala e
oon hibada ruux haybiyaa kugu ahayn hawle
sacabbada anoo hoorsanoo sare u haataaya
yaan hoorka daadinoon ilmada hibitiqleynaaye
oon luqunta hoogaaminoon hebed ahaanaaye.

waxa saa harraad ii gelshiyo heenka iga muuqda
oon arar u soo horay marshiyo ereya hawraara
oo iga hinraagshoo haddana dhidid u hooraayo
hooyaan galliinkeed ahoon kuuna hoos imide
iga yeel waxaan kaa hamoon kaana haybsanayo!

Hooyo aaminood uumatood lugugu hayseynin
-
hambalyiyo carfuudiyo dhulkii heer nageys degayey
noloshiyo hiddihi aabbe ee lama huraankiiya
dab-ku-dhabe habaaskii jiriyo boor hawada buuxsha
higlaygii jaleel beerahay haad ka dhicinaynsey
habeen dheelmad himmammawgi ay ariga hoobaydey
lebimaay hareerteedi iyo hubuqi xaasweyne
haadaanti doloq iyo dhegliyo meelo hagardaamo
oo hantaatiqeeyoo fartiyo suulki kala haaday
hanfigii warshubo oy darxumo ugu hillaabaysey
oo biyaha laga haybsho oo jiro harraad weyni
oo fuusto laga hoorsho oo la isku haaraamo
omasooro lugu hoobtay ee looga haajirayna kala haaday
hooyadey halkaas bey cidlada keli ku hootowday
oo adaa warkeed haaya oon lugu hor boodayne

unbaa malaga haadaahi yimid hiifta uga qaaday
way ka soo huleeshoo adaa soo hayaamiyaye

Hooyo aaminood uumatoon lugugu hayseynin
adduunyadi adoo soo hayoo soo habeynahayey
baad eebbe soo oofsatood soo hayaamidaye

Allow kuu hilowdoo adey kuu hanweyntahaye
mana hayso ciday hoos tagtiyo hoysimaad kale e
hoyataye allow hooyadey hara jannaad seexi !
oy huruddo raaxada rugteed heerki u sarreeyey!

Hanfi bay ka soo haajirtiyo horor adduunyaade
hoobaan bislaatiyo alloow hohob cagaar weyn leh!
Hawlihii adduunkee allow muuqi harameeyey
har qabow leh hodon aan dhammaan hoo dheh idankaaga!
Habrihii xantiyo duunyadey shalay ka haareysey
hablo xuural caynoo allow sheeko halabsiiya!

Anigana ducey ii hurtoy ii huleelidaye
inta aan hareeraha adduun joogo hammadayga
igu hay halkii loo bogee huurka laga dhawray
oo nolol hagaagtiyo i sii caafimaad hanada
hadhowtana haleeshii naftaa hooyadeed gacalo
iyo nabigi reer haashimee ina hoggaankeeyey.!

No comments: